News




FAHAMKA & AKHRINTA WARBIXINAHA MAALIYADEED EE SHIRKADAHA

Tue, Jul 30, 2024 | 4:43 pm


Waxaa si wanaagsan u qabsoomay (29-07-2024) kulan fagaare Furan oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Bariga Afrika iyo Machadka Hiil Institute, kaas oo lagu soo bandhigay darsi muhiim ah oo ku saabsan “𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚” kulanka waxaa marti ku ahaa oo darsiga jeediyay Wasiir hore Cali Xaaji Warsame oo ah xirfadle iyo xeeldheere waaya-aragnimo durugsan u leh xisaabta ganacsiga.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen ardayda jaamacadaha, ganacsato, aqoonyahan kala duwan, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ahaa mid mira dhal ah oo laga kororsaday wacyi iyo baraarug iyada oo darsiga kadib kasooqaybgalayaashu ay la wadaageen wasiirka waydiimo uu si wanaagsan uga warceliyay.
KULAN WANAAGSAN
https://www.facebook.com/share/p/b9hV2vwaTBfXU1oW/