News




AFTI KU SAABSAN DAGAALKA PL EE KA DHANKA AH DAACISH

Sun, Feb 9, 2025 | 2:13 pm


WARGELIN

Natiijadii ka soo baxdey afti-qaadkii (survey) ka koobnaa afarta su’aalood waxay noqotey sidatan:

1. Dagaalku heerkee marayaa?
👇
42% waxay yiraahdeen waa dagaal daba-dheer oo u baahan diyaargarow dheer halka 33% ay u coddeeyeen inuu weli marayo marxalad bilow ah (75%)

2. ⁠Mowqifka DFS iyo sidey uga falceliyeen dagaalka?
👇
50% waxay u coddeeyeen inay DFS ay ku khaldan tahay mowqifkaas in kasta oo sidaas laga filayey halka 42% ay yiraahdeen waa ku khaldan yihiin mowqifkaas laakiin lagama fileyn (92%)

3. Is-raaca shacabka iyo dowladda Puntland ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Daacish?
👇
88% waxay isku raaceen in shacabka iyo dowladda Puntland ku wada socdaan dagaalka, isku dhinacna ka taagan yihiin (88%)

4. Natiijada dagaalka iyo sida uu ku dhammaan doono?
👇
65% waxay u coddeen inuu ku dhammaan doono guul dhameystiran in kasta oo uu waqti dheer qaadan doono halka 26% ay qabaan inuu ku dhammaan doono guul dhameystiran laakiin degdeg ah (guul 91%).

Isku soo duuboo waxaa muuqata in yahay dagaal ay ummadda reer Puntland isku raacsan yihiin oo u mideysan yihiin shacab iyo xukuumad, waqti dheerna qaadan doona laakiin guul ku dhammaan doona, ayna tahay in aan isku tashano, una diyaargarowno innagoon cidna isku halleyneyn.

Coddeyn: Hiil Institute Garowe
info@hiilinstitute.org

Screenshot
Screenshot
Screenshot
Screenshot